Russia is waging a disgraceful war on Ukraine.     Sta achter Oekraïne!
Deel
Lettertypegrootte
Vertaling
Swap languages

Waan Ku Jeclahay

Ma garan kartid intaan rafaad maro
Maqnaanshahaagu Gacaliso
Su'aaluhu ma dhamaadaan
Habeenku wuu dheeraada
Fikirkaas, murugadaas
 
Adigu dhalinyaronimadeyda qeyb wen oo ka mid ah baad tahay,
Adigu shaabnimadeyda micnaheedii baad tahay
Annagu maxaan soo wada marnay
Sida buug jaceyl oo weyn oo kale
 
Markaad iga tagto
Awoodeydu way dhamaan
Afkii baa juuqda gaba
Waan isku dhexyaacaa
Maba nafisi karo
Niyada ayaa iga jabta
Nafteyda baa caajista
Adigu ma garan kartid waxyaabo kaloo intaas ka badanba
 
I eeg waxaan leeyahay
Ma qarin karee
La'aantaa in aan noolaado waa igu adag tahay
Mar walba gudaheygaad ku jirtaa
Mar walba qalbigeygaad ku jirtaa
Waan ku jeclahay o ku jeclahay
 
La'aanta ma noolaan karo
La'aantaa maba jiri karo
La'aantaa in aan noolaado waa igu adag tahay
Mar walba gudaheygaad ku jirtaa
Mar walba qalbigeygaad ku jirtaa
Waan ku jeclahay o ku jeclahay
 
Marka uu wakhtigaasi yimaado,
Waa markaas marka aanan noolaan doonin
 
Maxaa ugu badan oo aan kaa jeclahay
Ma garaneysaa gacaliso?
Marka aad xoogaa cabto (khamri) oo madaxu ku wareero xoogaa
Aadna ii sharaxdo xaalkaas aad ku jirto
 
Markaadna xoogaa miir doorsoonto
Oo aad si qoto dheer ii eegeyso
Farxadda indhahaaga ka muuqata
Markaad igu eegto si qurxoon
Oo aad i weydiiso
Inta aan adiga ku jeclahay?
 
Markaad iga tagto
Awoodeydu way dhamaan
Yoolasheyda iyo wixii aan hiigsanayeyba way dhamaadaan
Su'aaluhu ma dhamaadaan
Tiiraanyadeyduna ma dhamaato
Fikirkaas, murugadaas
 
I eeg waxaan leeyahay
Ma qarin karee
La'aantaa in aan noolaado waa igu adag tahay
Mar walba gudaheygaad ku jirtaa
Mar walba qalbigeygaad ku jirtaa
Waan ku jeclahay o ku jeclahay
 
La'aanta ma noolaan karo
La'aantaa maba jiri karo
La'aantaa in aan noolaado waa igu adag tahay
Mar walba gudaheygaad ku jirtaa
Mar walba qalbigeygaad ku jirtaa
Waan ku jeclahay o ku jeclahay
 
Marka uu wakhtigaasi yimaado,
Waa markaas marka aanan noolaan doonin
 
Originele teksten

Seni Seviyorum

Klik om de originele tekst te zien. (Turks)

Rafet El Roman: Top 3
Gegeven reacties